Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Wargeyska Kaaha Bari oo ka soo baxa Magaalada Bosaso ayaa soo saaristeedu bilaabaty bishii Oktoobar PDF Print E-mail
Tuesday, 20 May 2008

ImageWargeyska Kaaha Bari oo wakhti Dheer Ku Hawlanaa Sidii Uu ugu Sameyn Lahaa Bulshada Somaliyeed, Taariikh DHaxal Gal ah Oo uu uga tago Jiilasha Danbe ee somaaliyeed, waxaa uu Dadaal Dheer ugu Jiray Sidii uu ugu soo Bandhigi lahaa Cadadyada Wargeyska Ee ka soo Bixi Jiray Dalka tan iyo Mudadii uu Bilowday Wargeyska oo Hada ku dhow dhow 17 sanno ayaa lagu jirii sidii cadadyaadaasi loo soo gelin lahaa Boggaga Hore Ee Internetka, iyadoo aan Dareensahay inay u Baahan Tahay dadaal iyo wakhti si loogu Guuleysto arrinkaasi.

Duruufo Badan oo u baahan in laga taariikheeyo, ayaa jirta oo uu soo maray wargeyska kaaha Bari, iyadoo uu la soo Jaanqaaday Maamulkasta oo soo xukumay Deegaanada P/land, ilaa iyo Haatana u  Heelan inuu La shaqeyo nin kasta oo u dadaalaya Horumar Dalka iyo Dadka,  Runtii ma aha arrin sahlan in Bulsho La Jaan Qaaday Bur Bur, lagu Haqab Tiro Mihnada Saxaafada, iyadoo la og yahay Kaalinta ay kaga jirto caalamka warbaahinta iyo awoodeeda, kama duwana adigoo u adeegaya qof aamusan xaqiis, oo huraya naftaada, maalkaaga, caqligaaga, iyo wakhtigaaga iney helaan dadka xog lafo guran, oo laga soo qaato Jiho lagu kalsoon yahay,
waxaa in badan la soo gudboonaata Dadka Wariyeyaasha ah Dil Bareer ah, iyo Xarig Joogto ah, iyo in Lagu Gardaroodo.
dhamaan arrimahaas aan sheegnay oo si joogta uga dhaca meel walba, ayaa hadana looga harin ama laga daalin dantii guud iyo adeega loo hayo bulshada,
iyadoo ay mudan tahay in la isku dhiiri geliyo naf huridaas,
Ha Guuleysato Saxaafada Xorta ah
التميز الرقى ومصداقية الخبر 
     Wargeyska Kaaha Bari  oo ka soo baxa Magaalada Bosaso ayaa soo saaristeedu bilaabaty bishii Oktoobar 25keedii, 25/0ctober/1991

Soo Saaraha Wargeyska Kaaha Bari

Cheif Editor: Proff Khaliif M. Barre

c/o Bosaso Somalia

Tell. 00 2525- 725724

Ama This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

 

 
< Prev
Free counter and web stats