Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Talo soo Jeedin ku socoto Maamulka Cusub ee P/land PDF Print E-mail
Sunday, 25 January 2009

Image   shacabka reer Puntland meel walboo ay joogaanba rajada ugu weyn ee ay sugayeen waxay ahayd in Deegaanada Puntland ay galaan  isbadal,  Haddaba maadaama la doortay Madaxweynihii sida uu ballan qaaday waxaa looga fadhiyaa in uu Dooro Marwalba  Gole Wasiiro oo tayo ku dhisan. Arrintaasina waxay ahayd mid ku badan carrabka shacabka reer p/land, Doorashadii Madaxweynenimada ka dib ayeey hadal hayaan dhammaan qurbo joogta, iyagoo dhowraya maamul ka tayo sarreeya maamuladii hore oo wax baddan dhaama maamuladii hore, isla markaana bud dhigeyaal u ah Aqoonyahano Khibrad leh oo kulansaday mid Diineed iyo Mid Maadi ahba, cadaalad iyo kartina lagu aqoon karro.


Waxaa dAd badani ka farxiyay Hadaladii  ka sooyeeray madaxweyne Faroole, markuu ku dhawaaqay In maamulkiisa cusub laga ilaalin doono Balwadle yaal noocey doonaanba ha ahaadaane.

  


hadal waa leyska oran karaa haa, laakiin waxaa muhiim ka ah meel marintiisa. Annagoo siineyna fursad iyo masaaxo ku filan shakhsiyaadka cusub ee loo hanweyn yahay,  waana mid aan sabur ku sugi doono waxtarkooda iyo wax qabadkooda, Waxaan aamin sanahay haddii uu madaxweynuhu arrintaasi ay daacad ka tahay in uu wax ka qaban karo, oo waliba ummadda reer Puntland ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ee wanaag doonka ahi waxaa uu ka helayaa taagero dhinac walba ah,Anigoo aaminsan in nin balwad la tagtay in aan waxba laga sugeyn, oo uu ummadda uun uu waqtiga ka dilayo.
 
shacabka reer Puntland sidoodaba waa shacab Bisil meel walboo ay joogaanba, mar walbana jecel maamul iyo kala danbeyn, laakiin nasiib darro marna ma ayan helin Qiyaado ama hogaan fiican oo kasbada dareenkooda shacab ahaaneed,  Haddaba maanta waxa ay ka war sugnaaba waa maamulkeena cusub iyo Xeeladii uu ku kasban lahaa kalsoonida shacabka iyo in ay ku arkaan isbadalkii uu ka dhawaajiyey madaxweyne Farool, maamulkan cusub haddii uu ka leexdo waddadii ay mareen maamuladii hore ee lagu fashilmay in uu gudbi doono oo la iman doono wax qabad muuqda, iyo weliba uu ahaan doono mid loo aayo,

  

haddiise uu gadaal kaqabsado wadaadii taqliidiga ahayda waxaa dhici karta in uu ka hoos marro maamuladii hore, taasna ay ku kala dhintaan maamulka iyo dadka degaanka ah, Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinaya in maamulkan uu ka faa'ideysto qaladaadkii ay maamuladii hore galeen, oo uu isku dayo in uu wax baddan saxo, isagoo isku soo ururin doona  aqoonyahanada meel walboo ay ka joogaan dunida iyo sidii uu uga soo xero gashan lahaa qabowga qurbaha iyo guriyo fadhigiisa,  oo uu u tusi lahaa Madaxweynaha in uu yahay shaqsi ka shaqeynaya horumarka dalka. Runtii maskaxdii dalka badideedii waxey soo gashay qurbaha, oo waxaa loo baahan yahay sidi dadkaas loogu soo ceshan lahaa gudaha, arintaas waxey ku xiran tahay sida uu maamulka cusub u shaqeeyo,

 Qurbo joogtu meel walboo ay joogaanba dhegta ayaa u taagan oo waxaa la sugayaa sida ay u ekaan doonto maamulka cusub uu dhiso madaxweyne Faroole, taasoo looga qiyaas qaadan doono sida ay u shaqeyn doonto dowladda Faroole.

Alle ha ina waafajiyo towfiiqda.
 
By Cabdixakiim jaamac Jooje
Social development Adviser
Leicester UK.

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats