Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Waxyaalo Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi (A/risaq M Xuseen) PDF Print E-mail
Saturday, 24 October 2009

  
Horudhac
 
Ganacsiga oo ay ka mid tahay in shirkad cusub la asaaso, waa arin muhiim u ah guud ahaan dhaqaalaha. Gaar ahaan arintani waxay muhimad kale u sii leedahay bulshada soomaaliyeed, kuwa ku nool soomaliya iyo kuwa qurbha joogaba. Tusaale ahaan soomaaliya, goobaha ugu badan ee dadku u shaqo tago waa meelaha ganacsiga.

Taasna waxaa keenay iyadoo aaney jirin hay àdo dowladeed oo loo shaqo tago, burburkii qarankii soomaaliyeed ka dib. Waxaa iyana marar badan soomaalida qurbo jooga ah ay dantu ku kaliftaa iney shaqo iskood u abuurtaan iyagoo sameynaayo shirkado yar-yar. Sababtuna waxaa weeyaan iyadoo ay adag tahay in wadamada ay dadkaasu ku nool yihiin ka helaan shaqo qancisa.

Haddaba kolkii aan arkay in sameynta shirkadaha yar-yari ay door wanaagsan ku leedahay nolosha bulshada soomaaliyeed, ayaan waxaan go`aansaday inaan dhowr qormo oo gaagaaban kaga hadlo waxyaalaha loo baahan yahay in laga fekero inta aan lagu dhaqaaqin sameynta shirkadda.

Ma aad tahay qof ku habboon inuu shirkad sameeyo?

Waxaa laga yaabaa in qofku isweydiiyo, maxaa loola jeedaa suàashan kor ku xusan? Miyaan qof kastaa shirkad wadi karin, haddii uu sidaas goàansado. Balse arintu intaas waa ay ka qota dheer tahay. Maxaa yeelay, howsha iyo masuuliyada lagaaga baahan yahay kolkii shirkad aad adigu iska leedahay maamuleysid , aad bey uga badan yihiin kolkii la garab dhigo howsha lagaa sugayo markii aad ka dhaqeyneysid shirkad dad kale leeyahay. Gaar ahaan sanadka ugu horeeya ee shirkadu kobceyso, waxaa qofka shirkada leh laga doonayaa howl aad iyo aad u badan. Maxaa yeelay wax walba ayaa cusub, wax badana mugdi ayaa kaaga jira. Haddaba maadaama ay shawshani u maahan tahay dulqaad dheer iyo wakhti badan waxaa qofka shirkada sameynaayo laga rabaa inuu bal qiimeyn naftiisa ku sameeyo. Qiimeyntaas oo ku saleysan suàasha ah: Anigu qof ahaan ma ahay mid ku haboon howshan noocaan ah?

Suàalo kale oo middaas kore hoos imaanayo ayaa jira, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
Wakhtigan xaadirka ahi ma yahay mid ku haboon in shirkad aan sameeyo?
Halkan waxaad ka fekereysaa waxyaalaha ay ka mid yihiin; reerkaaga (xaas, caruur,aabe hooyo iwm) da`daada iyo weliba khibradaada shaqo iyo aqoontaada guud.
Reerkaaga taagero intee leèg ayaad ka haysataa? Haddii arimaha shirkadu ay adkaadaan, oo ay shirkadu u baahato in wakhti dheer la geliyo. Sidee ayey reerkagu uga qayb qaadan doonaan? Faaqidaadaas naftaada iyo arimaha kale ee kugu wareegsan waxaa ay ku siin doonaan sawir guud oo adiga qof ahaan kugu saabsan. Natiijada kuu soo baxdaana waxaa ay kugu dhiiri gelin kartaa ama kaa cabsi gelin kartaa inaad shirkad aasaasto.
 
Maxaad dooneysaa inaad suuq geysid?
Shayga aad dooneysid inaad ka ganacsatid, ama fikradaada ganacsi ( business concept) waa mid noocee ah? Ma inaan wax cusub ( innovation) oo aan horay suuqa looga heli jirin keenaa? Mise waa inaan waxyaalihii suuqa horey u yaaley wax ka mid ah aan keenaa? Tusaale ahaan Bariis, bur, muufo, rooti, dhar iwm.
Labadda arimoodba waad yeeli kartaa. Haddii aad la timaadid fikir cusub oo ganacsi oo aan hortaa suuqa la keenin, waxaa ay u badan tahay inaad ku guuleysato shirkadaada. Sababtoo ah xitaa cid kula tartameysaa ma jirto oo si qunyar baad isaga wadan howshaada. Fursadaasi waa mid run ahaantii aad u yar, maxaa yeelay haddii la tiro koobo waxyaalaha cusub ee dunida lagu soo kordhiyo sanad walba, ma aha kuwo badan.

Kolkii aan u leexano dhinaca kale ee dadku u badan yahay, kaasoo ah in suuqa la keeno wax horey halkaas u yaaley. Arintaas laf ahaanteedu ma xuma, balse si aad guul ganacsi u gaartid, ka feker Sàashan: Waa maxay sababta ay dadku bariiskeyga u iibsanayaan, iyadoo uu bariis hore suuqa yaaley?

Sababta keliya ee bariiskaaga lagu iibsan karaa waxaa weeyaan iyadoo uu bariiskaagu leeyahay wax uu kaga duwan yahay kuwii halkaas horey u yaaley. Waxaa laga yaabaa in qofku is yiraahdo; qiimaha ayaan aan ku iibinayo bariiska ayaan hoos u dhigayaa, sidaas ayaana bariiskeyga lagu iibsan. Balse baaritaano badan oo la sameyey waxaa laga ogaadey in qiimaha lacageed ee sheyga elagu iibsano oo la dhimaa aanu noqon karin mid kuu horseeda in sheygaas si aad ah loo iibsado. Waa in sheyga aad iibgeyneysaa leeyahay wax kale oo lagu doorto. Arinta ah, in dukaan bariiska lagu gado la furo, iyadoo dukaamadii hore bariiskii laga iibsan la`yahay waa mid ganacsiga soomaalida intooda badani ay ku sifooben.

Qeybta labaad Qeybtii hore ee maqaalkan waxaan kaga soo hadalay waxyaalo ay ka mid ahaayeen: Ugu horeyn bal in qofka shirkadda sameynayaa uu isagu baaritaan isku sameeyo, taas oo looga gol leeyahay inaad ogaatid qof ahaan inaad tahay mid shirkad waditaankeeda ku haboon iyo in kale. Waxaan kaloo aan ka hadalay in qofka shirkadda sameynayaa uu aad uga fekero waxyaalaha uu suuqa keenayo.Qormadan cusubna waxaan kaga hadli doonaa waxyaalo kale oo lagama maarmaan u ah sameynta shirkad ganacsi.

Sameynta baaritaan suuqeed ( market research )

Inta aadan sheyga aad iibgeyneysid keenin suuqa, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo baaritaan suuqeed ( market research). Baaritaankaasi waxaa uu ugu horeyn kaa caawinayaa inaad ogaatid baahida loo qabo sheyga aad suuqa keeni doontid. Waxaa kale oo baaritaankaasu ku siinayaa sawir guud oo ku saabsan suuqa, qiimaha wax lagu kala iibsado iyo weliba macaamiishaadu kuwa ay noqon karaan. Aad ayey muhiim u tahay inaad heshid warbixin ku saabsan dadka aad dooneysid iney macaamiishaada noqdaan iyo meelaha ay kala joogaan. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid qiimaha ay macaamiishaasu diyaarka u yihiin iney ku iibsadaan sheyga aad suuqa keeni doontid. Baaritaankaas suuqeed, waxyaalaha kale ee uu ku siin karo waxaa ka mid ah: Waxyaalaha ay macaamiisha shirkadaha alaabtaada oo kale iibiyaa aaney ku qanacsaneyn, iyo weliba sida ay jeclaan lahaayeen in alaabtaasi noqoto.

Tusaale ahaan waxaad rabtaa inaad furtid shirkad tigidhada diyaaradaha iibisa, inta aadan bilaabin shirkada waxaad baaritaan ku sameyneysaa qayb ka mid ah shirkadihii horey suuqa ugu jirey. Waxaad eegeysaa macaamiishoodu waxyaalaha aaney ku qanacsaneyn, ka dibna waxaa aad dabooleysaa waxyaalahaas. Taasi waxaa ay kuu fududeyneysaa inaad si dhaqso ah aad macaamiil u heshid. Waxaa kale oo qofka shirkada sameynaya laga doonayaa inuu hubsado dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa uu doonaayo inuu galo. Taas waxaa loola jeedaa, haddii aad gasho suuq xawligiisa ganacsi uu sii yaraanayo ama ku suqan xaalad dhaqaale oo cakiran, iney aad u adkaan doonto inaad gaarto hamigaagii ahaa helitaan faaìido ganacsi.
Xaaladaas aan kor ku soo sheegnay waxaa hadda ku sugan shirkadaha iibiya tigidhada diyaaradaha iyo weliba qaar ka mid ah shirkada isgaarsiinta. Kolkaas qofkii xiiseynaayo inuu shirkad suuqaas ka bilaabo, waa inuusan ku degdegin ee uu sugaa, eegaana bal sida xaalada guud ee suuqaasi noqoto. Waxyaalaha la doonayo inaad si aad ah isaga ilaalisaa waxaa weeyaan inaad isku tuurtid oo aad shirkad ka bilowdid suuq isaguba sii dhimanaaya.
Waxaa kale oo iyana aad u dhib badan, haddii aad suuqa keentid shey aan baahi loo qabin. Haddaba baaritaankaas aan kor ku soo xusnay wuxuu kaa caawin doonaa in aad ka gaahaamato khasaarooyinka dhaqaale ee kugu iman kara haddii ay shirkadaadu fashilanto.
Magaca shirkada


Shirkada ganacsiga ee xuseen, shirkada kaluumaysiga ee waaberi, shirkada dharka ee bakaaraha, dugisga waxbarashada ee Ramadaan. Magac noocee ah ayaa ku haboon shirkadaada? Magaca shirkaduse muxuu saameyn ku yeelan karaa suuqgeynta alaabtaada?
Waxaa laga yaabaa iney dad badan oo aan aqoon weyn u lahayn arimaha ganacsiga ay markiiba la soo boodaan in aan magaca shirkadu wax qiimo ah oo weyn u lahayn alaabta la suuq geynaayo. Balse taasi ma aha mid sax ah. Magaca shirkadu waa qayb weyn oo ka mid ah alaabta aad iibgeyn doontid. Waana in magaca aad shirkada u bixineysid uu buuxiyaa shuruudo badan. Arrinta ugu muhiimsani waxaa weeyaan in magaca shirkada iyo alaabta aad gadeysid uu ka dhexeeyaa xiriir. Taas waxaa loola jeedaa in kolkii magaca shirkada uu qof akhriyo ay markiiba maskaxdiisa ku soo dhaceyso waxa ay shirkadaasi iibiso. Haddii xiriirintaasi maqan tahay waxaa ay qaadan doontaa sanado badan in magaca shirkadaada la barto.

Magacyada dadka soomaaliyeed ee shirkadaha sameystaa ay aad u isticmaalaan waxaa ka mid ah, kuwa reerka. Tusaale ahaan aniga waxaa la i yiraahdaa Cabdirisak xuseen, sidaas darteed waxaan shirkadeyda u bixinayaa “ shirkada ganacsiga ee xuseen”. Magac bixinta noocaan ah ma aha mid aad looga fekerey. Maxaa yeelay magaca kama muuqato xiriirkii aan horey u soo sheegay. Shirkada leh magacan hoos ku qoran, oo ah shirkad aan magaceeda akhriyey kol aan booqasho ku tegey magaalo ka mid ah bariga africa, ayaa ah mid leh shuruudii xiriirka ka dhexeeya magaca shirkada iyo waxyaalaha ay gadeyso. Shirkadaas waxaa magaceedu ahaa: Shirkadda GARAYS. Bal akhristow magacan dhadhanso oo dhuux, maxaa maskaxdaada ku soo dhacayo. Warbixin intee leèg ayaad heli kartaa inta aadan gelin gudaha shirkada? Run ahaantii waxaad heli kartaa warbixin aad muhiim ugu ah arimaha ganacsiga. Anigu koley qof ahaan kolkii aan marayey shirkadaas horteeda, ee aan indhaha ku dhuftay magaca “garays”. Waxaa madaxayga ka dhaqdhaqaaqayey in shirkadani ay dhar gado, weliba dharka ay gado iney yihiin ama u badan yihiin dharka dumarka. Shirkadii kolkii aan galayna waxaa ay noqotay sidii madaxayga ku jirtey. Taas oo ah in shirkadani ay gado dharka dumarka oo kali ah.

Haddaba waxaa la doonayaa inuu jiro xiriir sidaas oo kale ah, ee ka dhexeeya shirkada magaceeda iyo waxa ay iibineyso. Waxyaalaha kale ee magac bixinta muhiimka u ah waxaa ka mid ah; in magaca shirkadu aan ahayn mid dheer ama ku dhawaaqidiisu adag tahay. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid haddii ay suurto gal kuu tahay in aan magacu noqoneynin mid macno kale ku leh luqadaha wadamada aad dooneysid inaad alaabtaada u iibgeysid. Maxaa yeelay magac afka soomaaliga inala fiican ayaa cay noqon kara kolkii afaf kale loo turjumo. Tusaale ahaam magaca “ maymuun” oo ah magac ay soomalidu gabdhaha ula baxaan, ama shirkadba loo bixin karo. Magacaasi waxuu noqonayaa “daayeer” kolkii loo eego sida ay u isticmaalaan dadka ku hadlo afka looga hadlo boosniya. Boosniya oo ka mid ah wadamadii berigii hore la isku oran jirey Yugoslafiya. Taas waxaan ula jeedaa iney muhiim tahay doorashada magaca shirkada loo bixinayo. Wadamada yurub iyo waqooyiga America, waxaa jira rag ku takhasusay magac bixinta shirkadha. Kuwaasoo lala tashado inta aan la dooran magac gaar ah.
Qeybtii saddexaad: Maalgelinta shirkadda
 
Si aad u dhaqan gelisid fikirkaagii ganacsi, waa inaad haysataa dhaqaale kugu filan.Cadadka lacagta maalgelinta ah ee aad u baahan tahay waxaa ay ku xidhan tahay hadba qaabka aad dooneysid inaad shirkada u bilowdid. Tusaale ahaan wey kala duwan yihiin dhaqaalaha aad u baahan tahay, haddii aad dooneysid inaad badeecadaada si talaabo-talaabo ah u iibgeysid iyo haddii aad dooneysid inaad weerar balaaran oo xaga suuqa ah aad qaadid. Arintan dame waxaa ay u baahan tahay dhaqaale ka badan midda hore. Waxyaalaha lagama maarmaanka ah ee aad bilowga hore u baahan tahay waxaa ka mid ah: xafiis, ama meel dhismo ah oo saldhig kuu ah, computer, telefon iwm. Badanaaba shirkadaha( haba ugu badnaadeene wadamada horey u maray) bilaha hore wax lacag ah oo ku soo gelayaa ma aaney jiraan. Maxaa yeelay baddeecadii waxaa ay u badan tahay in deyn lagaaga qaato, layskuna raaco in soddon( 30 days) ayaamood lagu bixiyo. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in ay shirkadaadu diyaar u noqoto iney bixiso lacago badan inta aaney iyadda wax lacag ahi soo gelin.

Lacagaha ugu horeeya ee shirkada lagu maal gelinaayo, waa inaad ka fekertaa sidii lagu soo xero gelin lahaa. Ma hanti adigu aad leedahay ayaad isticmaaleysaa( own capital) mise waad soo deysaneysaa? Arintaas goàankeeda waxaa laga rabaa inuu si fiican uga fiirsado qofka shirkada sameynaayo. Haddii aadan aqoon dheeraad ah u lahayn siyaabaha kala duwan ee shirkad lagu maalgelin karo, waa inaad la tashataa qof arimahaas aqoon dheeraad ah u leh. Lacagta aad u baahan tahay wajiga hore ee shirkada waxaa loo kala qaybiyaa laba nooc. Tan hore waa lacagta lagu maalgelinayo waxyaalaha joogtada ah sida ijaarka, komputerka, taleefonka, iidhehda iwm. Tan labaadna waa lacagta aad ugu baahan tahay fulinta howl maalmeedka shirkada. Sida soo iibinta qalabkii aad u isticmaali lahayd wax soo saarka shirkada (raw materials), baaburka aad shirkada ugu shaqeyneysid iyo waxii la halmaalo. Lacagahan labada qaybood ah ee aan kor ku soo sheegnay waa kuwo lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay si shirkadu u saan qaado.

Wadankee ayaad ka bilaabeysaa shirkadaada?

Wadamada kala duwan ee aduunku waxaa ay ku dhaqmaan sharciyo kala duwan oo xagga ganacsiga ah. Sidaas darteed qofka shirkadda aasaasayo waxaa laga doonayaa inuu si fiican u fahmo sharciyada ganacsiga ee u degsan wadanka shirkadda laga bilaabayo. Sharciyada la doonayo inaad ogaatid waxaa ugu muhiimsan kuwa cashuuraha. Maxaa yeelay habka cashuuruhu saameyn weyn buu ku yeelanayaa dhaqaalaha shirkadaada ugubka ah. Cashuurta lagaa qaadayo waxaa ay ku xiran tahay hadba qaab shirkadeedka aad doorato. Qaab shirkadeed waxaa loola jeedaa, qaabka mulkiyada shirkadu ay tahay. Tusaale ahaan waa kala duwan yihiin sharciyada lagula dhaqmo shirkada uu hal qof leeyahay iyo tan ay dhowr qof wadaagaan. Waxaa muhiim ah inaad si wacan u dhex gashid oo aad baaritaan ku sameysid noocyada kala duwan ee qaab shirkadeedyada wadanka aad ku nooshahay ka jira.

  


Shirkadda hadii ay magacaaga ku qoran tahay, waxaa shirkada lagala mid dhigaa qofka iska leh. Taasi waxaa ay keentaa in haddii shirkadu kacdo ay saameyn xoog leh ku yeelan doonto dhaqaalahaaga gaarka ah. Sida gurigaaga, baabuur, beer iyo waxii kale ee aad leedahay. Halka haddii la haanshaha shirkadu ku saleysan yahay nidaam saamiyadeed aanu saameyn dhaqaale qofka ku yelaan karin , waa hadii shirkadu khasaarto. Taas macnaheedu waxaa weeyaan, waxaa khasaarayo shirkadii oo kali ah. Hantidaadii gaarka ahayd sida guri, baabur iwm way kuu badbaadayaan. Habkani waa hab shirkadeedka ugu badan ee laga isticmaalo wadamada reer galbeedka, waana qaabka ugu qasaaraha yar haddii shirkadu kacdo( khasaarto).


Gebagebo

Taxanaha maqaalkan aan ugu magac daray “Maxaa muhuum u ah sameynta shirkad ganacsi”, waxaa aan uga gol lahaa inaan wacyi geliyo dadka soomaaliyeed ee doonayo iney shirkad sameeyaan. Dadkaasoo aan dhamaantood fursad u helin iney bartaan cilmiga ganacsiga. Waxyaalaha aan ka soo hadalayna waa arimo aad muhiim u ah, gaar ahaan bilowga hore ee shirkadda. Qofkii doonaayo inuu shirkad sameeyo, islamarkaasna raaca waxyaalaha aynu kasoo hadalay, waxaa ay aad ugu badan tahay inuu ganacsigiisa ka guul gaaro. Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso inaaney ii suurto gelin inaan ka hadlo waxyaalaha shirkad muhiim u ah oo dhan. Taasina ay u baahan tahay in buug laga qoro,

  

balse aan lagu soo koobi karin dhowr maqaal oo gaagaaban. Waxaan wax ka qoray intii allaha awooda lihi iga haleelsiiyey. Haddii hal qof oo soomali ah uu ka faaìideystey qoraaladaas, ujeedadii aan lahaa qayb weyn oo ka mid ah waa la gaarey. Waxaan dhamaan dadka soomaaliyeed ku dhiiri gelinayaa iney ka faaìideystaan wakhtigooda qaaliga ah. Gaar ahaan ay ku dadaalaan sidii ay uga faaìdeysan lahaayeen alaalada “Internetka”. Waxaa la hubaa haddii aaladaas loo isticmaalo si wanaagsan in waxbadan laga baran karo. Waxaan kaloo rajeynayaa in maqaaladan aan qoray ay ku dhiiri geliyaan aqoonyahanada kale ee soomaliyeed iney dadkooda u faaìideeyaan. Taxanihii maqaaladana intaas ayuu ku eg yahay. Waxaan ku kulmi doonaa maqaalo kale oo ganacsi/dhaqaale- inshaa allah.

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Eskilstuna-Sweden

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats