| Magaalada Boosaaso Weli ma Degmaa mise waxaan oran karnaa waa Gobo ( Qore: - Cabdixakiim Jaamac) |
|
|
|
| Sunday, 01 November 2009 | |
Fariin ku socota maamulka iyo waxgaradka Puntland
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna waxaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudan leeyahay iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi wabarakaat. Magaalooyinka adduunka dhamaantood wey isbadalaan oo mar walbaa waxey soo maraan marxalado kala duwan. Kuwo ayaa fida oo aad u ballaarta xagga weyninka, kuwaa dhaqaale ahaan horey u mara, kuwo kalen waxa ku dhaca bur bur ama masiibooyin kuwaas oo sababa in ay dhumiso shicibkii deganaan jiray. Sideedaba magaalooyinka adduunka waxa lagu kala maamulaa xeerar kala duwan , oo badanaa loo tiiriyo hadba inta magaaladaasi uu la’eg yahay muggeeda. Waddamada adduunka waxa ay sameystaan wax la yiraahdo magaalada ugu weyn waddankaas iyo arin kale oo ah Shanta magaalo ee ugu waaweyn waddanka. Magaalada ugu weyn mar walba way ka xeer duwan tahay kuwa kale ee waaweyn haddana kuwa ah Shanta ama tobanka ugu horeeya magaalooyinka waxey leeyihiin xeerar iyo shuruuc gaar ah oo lagu dhaqo. Magaalada caasimada u ah waddan walbaa iyadu mudnaan gaar ah ayeey leedahay oo kumana xirna in ay ugu weyn tahay waddanka oo iyadu mar walbaa arimo kaloo baddan ayaa la xeeriyaa tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa waddanka Pakistan waxaa caasimad u ah Islaambaad, magaalada waddanka ugu weyn oo ah magaalada ganacsiga waa Karachi. Sidaas si la mid ah Indiya magaalooyinka ugu waaweyn waa Kalkata iyo Bombay, caasimaduna waa New Delhi. Caasimadu mar walbaa waxaa la ilaaliyaa amnigeeda guud waayo waa magaalo ay degan yihiin dhammaan diblumaasiyiinta jooga waddankaas, hay’adaha caalamiga iyo madaxda u sareysaa waddankaas, oo iyadu waa Symbolic oo si gaar ah ayaa loo ilaaliyaa, oo misaaniyad gaar ah ayeey leedahay. Haddaba innaga hadeynu nahay ummadda reer Puntland sidee ayeeynu u qiimeynaa magaallooyinkeena oo ma siinay mudnaantooda. Tusaale ahaan Garoowe oo ah caasimada Puntland ma heshaa xuquuqdeeda caasimadeed mise waxaa loo tixgaliyaa degmo ka mid ah degmooyinka Puntland, sidoo kale Boosaaso oo ah magaalada ugu weyn puntlad marka laga eego tirada dadka ku nool, dhaqalaheeda iyo weliba adeegyada ka jira ma waxaa loo tixgaliyaa sida degmooyinka yar yar ee ay ku nool yihiin in ka yar shan kun oo qoys amaba kasii yar. Magaalada Boosaaso waa magaalo uu korodhkeedu ka baddan yahay in ka baddan 90%, waa magaalo aad loogu soo qaxay kadib bur burkii ku dhacay caam ahaan Soomaaliya, tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasa Nus malyuun illaa iyo hal malyan. Magaaladu waxaa ka jira waxbarasho illaa iyo heer Jaamacadeed, waxaa ku yaala illaa iyo labo jaamacadood oo waaweyn sida East African University iyo Mogadisho University, waxey kaloo leedahay machadyo tiro baddan oo aqoontooda sareyso, sidaa si lamid ah tirada dugsiyadda sare lama tirin karo, xagga ganacsiga waxaa ku taal deked ka mid ah dakadaha ugu waaweyn geeska Africa taasoo habeen iyo maalin uu adeegyadeeda kala socdo, waxaa kaloo ku yaala oo hadda laga furay Airporka ugu weyn Soomaaliya. Boosaaso waxaa ku nool Soomaali oo dhan oo meel walbaa leysaga yimid, Boosaaso wey ka gudubtay xilligii la lahaa waa magaalo reer hebel, oo xitaa dadka qaarkii waxey qabaan in boosaaso ay hadda la mid tahay amaba ay ka dad baddan tahay xilligii ay magaalada Xamar ugu dadka badnayad ee horaantii sideetameeyadii. Magaalada waxaa ku yaala hoteelada ugu waaeyn ee Soomaaliya, wa magaalo meel tin iyo cirib la dhigaa aysan jirin. Reer ama qabiil Soomaaliyeed oo aan deganeyn ma jiro. Haddaba maamulka sharafta iska leh ee ka arimiya Puntland maku baarurgsan yahay arimhaaas mise boosaaso waa degmo u dhiganta sida Caluula, Qandala, Beyla iyo Iskushuban. Degmooyinkan aan tilmaamay maaha inaan xuquuqdooda dugsiinayo ee waa iga tusaale oo aan leeyahay ma isku dhigmi karaan magaalo muggeedu uu ka sareeyo malaayiin iyo degmooyin yar yar. Boosaaso waa magaalada uu ka soo xerooda dhaqaalaha ugu baddan ee maamulka puntland, haddan inaan lasiin muhiimad gaar ah runtii waa arin laga naxo. Marka aan sidan u hadlayo waxaa dhici kartaa in dad baddan oo uu ka guuxayo qabiil iyo fasiraadyo qaldan ka bixiyaan hadalkeyga. Qoraalkan uguma jeedo inaan durayo maamulka boosaaso, ugama jeedo inaan qof kursigiis aan ku ahay weerar, sidoo kale uguma jeedo in aan carqalad galiyo maamulka puntland, ee qoraalkeygan waxaa uga jeedaa horumarka iyo mustaqbalka Puntland sidii uu u sameyn lahaa horumar wanaagsan, taasoo had iyo jeer xooga la saaro waxyaalaha asaasiyaadka ah. Fikraddan oo ah fikrad muddo soo jiitameysay oo ay qabaan aqoonyahano kala duwan oo reer puntland ah sida professor Farjac oo isagu ku taqasusay maamulka deegaameynta iyo tirokoobka, oo aan aniguba hadda ka hor maqaal dheer ka qoray ayaa waxey leedahay maxaa hortaagan in Boosaaso iyada ruuxeeda oo gooni u taagan ay noqoto gobol ka madax bannaan gobolka Bari, oo boosaaso loo qeybiyo degmooyin kala duwan. Waxaan aaminsanahay in boosaaso kaligeed ay noqon karto illaa iyo 7 – 8 degmo amaba ka baddan. Haddii aad dib u jaleecdid waagii hore magaalada Xamar waxey la gobol aheyd magaalooyinka shabeelada hoose iyo shabeelaha dhexe oo leysku oran jiray gobolka Banaadir, waagii danbe markii ay weynaatay magaalada muqudisho ayaa loo sameeyay degmooyin u gaar Xamar oo iyada kaliyana laga dhigay gobolka Banaadir. Haddaba ma oran karnaa Boosaaso Xilligaas wey joogtaa amaba wey dhaaftay. Faa’iidooyinka ka ratibmi karaa haddii fikradaas la qaato ayaa waxey tahay in magaaladaasi uu kordhayo dhaqaalaheedii, amnigeedii, nadaafadeedii, bilicdeedii oo si sahlan loo kala ogaanayo hadba dadka ku soo kordha magaalada, waxaa la maareyn karaa magaalada inta ay koronto u baahan tahay, oo biyo u baahan tahay iyo waliba inta ciidan iyo shaqaale ay u baahan tahay. Magaaladu mar haddii weyninkeedu uu dhaafo heerkaas waxa ay u baahan tahay in iyadii si gaar ah loo siiyo ahmiyad oo la kala qeybiyo si loo maareeyo guud ahaan inta ay ku fadhido. Ogow mar walboo wax laga qabto maamulka meeli leedahay waxaa kordhayaa dhaqaalaha meeshaas ay leedahay. Maamul xumo mar walbaa waxey kuu horseedaa bur bur iyo kala daadsanaan. Waxaan si xushmadi ku jirto uga codsanyaa maamulka sharafta iska leh ee Puntland oo runtii ku amaanan isbadalkan wanaagsan ay la yimaadeen oo aan oran karo wax weyn bay qabteen, in ay arintan hoosta ka xariiqdaan oo ay furaan doodo laga doodayo arimahan, furaan siminaaro iyo baarintaano cilmiyeeysan oo arintan xooga lagu saaro iyo sidii loo hirgalin lahaa mustaqbalka. Sidoo kale waxaan iyagana aqoonyahanada u dhashay puntland ee ku sugan dalka gudihiisa ama dibadiisaba ka codsanayaaa in ay arinamahaas kasoo dhiibtaan ra’yigooda oo ay ku eegaan aragti ku dhisan aqoon, cadaalad iyo waliba waddaniyad, oo ay iska ilaaliyaan laablakaca iyo xiqdiga ku dhisan xaqiraada. Qoraalkeygii waa iga intaas wixii aan saxay waxey u sugnaatay allaah, wixii aan khaldeyna waa nafteyda iyo sheydaan. |
| Next > |
|---|










