Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Hagar daamada reer Yurub, Habacsanaanta TFG iyo Hurdada Shacabka “Sir Culus” AGREEMENT PDF Print E-mail
Sunday, 06 December 2009

Image  Taas waxaa ka sii daran indha adayga ay tuugada reer Yurub sheeganayaan inay haystaan heshiisyo ay si sharci ah uga kaluumaysan karaan xeebaha Soomaaliya.  (waa xaqiiq in rag sheeganaya magacyo wasiir kaluumaysi ay jiraan kuwaas caasumadaha aduunka wareeya heshiis hoosaadyo aan cidina ogayn la soo gala shariikadahaas iyo dalalkaas iyaga ah)


 

·         Oceana, the environmental group that focuses on threats to the sea, has long been studying illegal fishing in the region.

·         According to the group, within Somalia’s exclusive economic zone waters, or EEZ, EU-flagged tuna vessels, particularly from Spain, regularly headed there to fish until 2006 when the pirate threat made it too dangerous. These fishing firms engaged in such practices even though there had not been any agreement negotiated between Somalia and the European Commission.

·         The Spanish boats claimed what they were doing was legal because they had signed private agreements with Somali “officials” or companies. However, it is up to the European Commission to negotiate fishing agreements with countries beyond the EU. This is currently the case with a number of African countries. As a result, from an EU perspective, no European fishing should be happening in Somali waters.

·         Source: http://euobserver.com/9/27966

Cilmi baaris ay samaysay khubaro Kanadiyaan ah ayaa waxaa lagu sheegay in lacag ahaan in Kaluunka sharcidarada ay ee reer Yurub ay ka qabsadaan xeebaha Soomaaliya ay shan goor ka badan tahay lacagta ay deeq ahaanta u siiso Soomaaliya. (taasi waxay ka dhigan tahay hadii 1 milyan oo deeq ah ay siiyaan Soomaliya waxay xadaan 5 Milyan oo Doolar kaluun u dhigma, inagoo og 1 milyan laftigiisu inuusan sooba dhaafin Nayroobi oo uu dib ugu noqdo iyaga oo si magac ururo aan dowli ahayn ku xada).

Sida ku cad cilmi baaris ay sameeyeen khubaro Ustaraaliyaan ah ayay ku sheegeen in maraakiibta kaluumaysiga ee sida sharcidarada ah uga adeegta xeebaha Soomaaliya ay xaga hore kaga jiraan France iyo Spain.

Bal nuqulkan aan ka soo mid guuriyay qormadaas iyada ah:

·         A recent Canadian study estimates that the total value of current IUU catch worldwide is between 11 and 26 million tonnes, and valued at between $10 billion and $23 billion annually. The European Union alone is assessed to import half a million tons of fish worth €1.1 billion. It is estimated that illegal fishing by EU vessels has taken out of Somalia more than five times the value of its aid to the country every year.

·         The impact of such robberies on the high sea has been evident in Somalia, where piracy of one kind begat another. In the chaos that engulfed Somalia since the collapse of Siyad Barré regime in 1991, unlicensed foreign fishing vessels moved in large numbers into the country’s fish-rich waters. In 2005, a UN agency estimated that 700 foreign fishing vessels were operating in Somali waters, many employing illegal and destructive fishing methods. A recent Australian study reported that vessels from France, Spain, Japan, South Korea, Taiwan, Egypt, Kenya, Pakistan, Saudi Arabia, Sri Lanka, Yemen, Belize and Honduras have exploited Somalia’s fish stocks with virtual impunity.

·         Source: http://www.policyinnovations.org/ideas/innovations/data/000147

Waxaa intaa ka sii xun in tuugadaas is biirsatay oo ay hogaanka u hayaan France iyo Spain ay maanta ku doodayaan ama caalamka isku tusinayaan inay la dagaalamayaan Burcad Badeeda Soomaaliya, taas oo ay uga danleeyihiin in diirada laga dulqaado oo aan la arkin sharcidarada , xadgudubka iyo xaalufinta ay ku hayaan khayraadka badeed ee Soomaaliya.

Sida cilmi baarista aynu kor ku soo aragnay taas oo ku salaysan xaqiiqo aan laga been sheegi Karin , waxaa ku cad in Burcad Badeeda runta ah ay yihiin kuwa xaalufinta ku haya badaha caalamka, kuwa sida sharcidarada ah uga kaluumaysta xeebaha dalalka kale, xulafadaas tuugada ahna waxaa hormuud u ah Faransiiska iyo Isbayn.

Wasiirkii arimaha dibada ee Faransiiska Mr. Kouchner, maqaal uu ku qoray jariidada la yiraahdo “La Figaro” ayuu wuxuu ku tilmaamay cida ka danbaysa xulafada reer Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda, taas oo ku sheegay inay tahay Faransiiska iyo Isbayn.   Soomaalidu waxay tiraahdaa “maxaa waranka iyo weedha kulmiyay”  waxaan oran karnaa xulafadni waa mid aan barakaysnayn oo ujeedo badan ah.

Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa “tuugaas lax ma ka dhaarsan lahayd”  labada dowladood ee France iyo Spain oo lagu tilmaamay aabayaasha xaalufinta iyo xadista khayraadka badeed ee dalalka kale inay maanta caalamka ka dhaadhacshaan waxaan la dagaalamaynaa burcad badeed Soomaaliyeed waxana oran kartaa waa sheegaso lagu qoslo.

Fadlan fiiri nuqulkaan aan ka soo qaaday qoraalkii Mr. Kouchner.

·         …..thanks to the French European Union presidency, we launched in partnership with Spain the first European maritime operation under the European Security and Defence Policy – “Atalante” – to provide security for European ships passing through the Gulf of Aden.

·         Source: http://www.franceonu.org/spip.php?article3818

Waxaa intaa ka sii dan in maanta Spain ay caalamka ka codsato in cuna qabatayn lagu sameeyo xeebaha Burcad badeedka, meesha Faransiiskuna uu heshiis dowlado aan jirin saxiixo isagoo adeegsaday qowlaysato aan cidna matalin balse ku qaraabta magaca Soomaaliya waa ayaan daro haysata Shacabka iyo Qaranimadii duntay ee Soomaaliyeed.  Taasi sowlama mid aha aan dhecee gacmaha ha la ii qabto.

SIR CULUS:

Akhristow waxaan halkaan idiinku soo bandhigayaa cida iska leh ama ka danbaysa heshiis beenaadka Yurub loogu saamaxayo soogelista xeebaha Soomaaliya, ku xadgudibka xuduudaha bad iyo beri , u saamaxida dilka iyo xariga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ka cafiska waxkasta oo denbi ah oo ay ciidamadaasi ku galaan beriga iyo badaha Soomaaliya.  Inagoo og cida heshiiskaas dhinaca Yurub u matalaysay ama kaba danbaysay waa France iyo Spain.  Labadaas dal oo soo huwanday Calanka midowga Yurub iyo NATO , kuna andacoonaysa inay la dagaalamayaan waxa loogu yeero Burcad Badeeda Soomaaliyeed, labadaas dal oo sida kor ku xusan ku soo xadgudbaan xuduudaha badeed iyo bari ee Soomaaliya, gacmahoodana ay weli ka qoyantahay dhiigii dhalintii Soomaaliyeed ee ay ku dhileen xeeba dalkooda hooyo, meesha ay qaarkalena ka sooo qabteen beriga iyo badaha Soomaaliyeed laa maantana ku hayaan xabsiyadooda iyagoon horkeenin wax sharci ah.

Waxaa xeer Caalamka u dhigan ah markii uu ciidan uu gelayo xuduud dal kale oo xor ah inuu ku soo galaa ogolaansho iyo heshiis dhexmada labada dal, sidoo kale markii qof danbi galay oo muwaadin ah loo gudbinayo dal kale oo uusan u dhalan si sharci loo horgeeyo waa inuu jiraa heshiis ka dhexeeya labadaad dowladood oo ah inay isku gudbin karaan maxaabiista (extradition treaty).  Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa wadama aan weligeed saxiixin ama heshiis la gelin wadan kale iyadoo la balan qaadayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gudbin karo wadan kale si loogu xabiso ama loogu maxkamadeeyo.

Hadaba inoo intaas og , sidoo kale og ficilada ay ciidamada Faransiiska iyo Isbaanishku ka sameeyeen xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo ilaa Bariga Soomaaliyeed ka soo qabqabtay dhalinyaro kadibna hore u kaxaystay kuwana sidii xoolo la xaraashayo hadba dowlad laga codsado inay xabsiyadeeda ku hayso sida Kenya, Siishalis iyo Muritaaniya oo uu Faransiisku ka codsaday inay aqbalaan oo xabsiyeeyaan Muwaadiniintaas Soomaaliyeed abaalmarina dhaqaalena uu u balan qaaday hadii ay sidaas sameeyaan.  Waxaa wax laga naxo ah inaynaan ogayn cida u fasaxday ku xadgudubka intaa le’eg ee lagu hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Baaritaan dheer oo ay sameeyeen dad ay weli ku hartay wadaniyad iyo dareen dal iyo dad jacayl ayaa waxay soo heleen warqadii heshiiskaas isaga ah, kaas oo ay dowladaha Midowga Yurub ku andacoonayso inay la gashay ama la xasiixatay dowlada Soomaaliya.

Yaa Saxiixay heshiis Beenaadkaan:

Warqada heshiiskaas waxaa la kala saxiixday 31 December 2008, waxaana qalinka ku duugay nin Soomaaliyeed oo loogu yeero Maxamed Cali Nuur, ninkaas oo dadka u indha daloola xukuumada maanta jirta iyo tii ka horaysayba ay sheegeen in ninkaasi yahay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya ninkaas oo loogu yeero “Maxamed Cali Ameerika” .  Hadaba akhristow waxaa su’aal ah maxaa sababay in safiir Soomaaliyeed oo loo dirsaday Kenya uu galo heshiiska intaas le’eg , aaway wasiirkii Arimaha Dibada Mr. Jangeli, Aaway Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde , aawayse Madaxweyne Cabdullahi Yusuf.

Go’aankii heshiiskaan gelistiisa oo uu shirgudoon ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska Mr. Kouchner fadlan hakaan ka akhriso:

29 December, 2008 ayuu iscasilay Cabdulaahi Yuusuf, sidaa awgeed dowladiisii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Nuur Cadde iyo Golihiisa Wasiiradu sidaas ayay ku dhaceen.

31 January, 2009 Ayaa Shariif Axmed loogu doortay Jabuuti inuu noqdo Madaxweyne. Taas micnaheedu waxay tahay in wax dowlad Soomaaliyeed la yiraahdo oo awood u leh saxiix heshiis aysan jirin intii u dhaxay iscasilistii Madaxweyne Cabdullahi ee 29 Dec, 2008 iyo Doorashadii Madaxweyne Shariif 31 Jan, 2009.

Hadaba Heshiiska la saxiixay Dec 31, 2009 (Waxaana la faafiyey 15 Janaayo 2009), waa mid khilaafsan qaanuunada dowliga ah, waa mid khiyaano iyo isbeen fariin ku salaysan, waa dulaalnimo iyo dal iibsi aan geed loogu soo gaban, sidaa awgeed ciidamada reer Yurub ee Jooga xeebaha Soomaaliya, iyo dhamaan wixii ficil ay sameeyeen intuba waa mid ka hor imanaysa mabaadida caalamka kala haga, waxayna biyaha iyo bariga Soomaaliya ku joogaana waa xaqdaro iyo xoog.

Kuwa heshiiskaas ka danbeeyay ee masuuliyiin Soomaaliyeed sheeganayana waa khaa’iniin aan dal iyo dad kala jeclayn balse dirham iyo diinaarka dulaalnimo dhaafsiistay sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.

Dadka aadka ugu dhuun duleela arintaas waxay aaminsan yihiin in Ra’iisal Wasaarihii hore Mr. Nuur Cadde arintaan ka danbeeyay, maadaama uu dareensanaa inuu xilkiisii dhacayn laga soo bilaabo 30 Dec, 2008na, wuxuu u xilsaaray saxiixa heshiiskaas Maxamed Cali Nuur.  Mr. Nuur Cadde abaal marintii arintaasna wuxuu maanta ku mutaystay inuu noqdo safiirka Yurub iyo Itaaliya u fadhiya Soomaaliya si howlihii wixii qabyo ahaa ay meeshii uga sii socdaan.  Ama hadaan hadalka sida kale u dhigo “Haku socoto sidii loogu tala galay” .

Hadaba akhristow su’aasha furan waxay tahay dowllada uu hogaanka u hayo Sh.Shariif Axmed talaabo caynkee ah ayay arintaan ka qaadi doontaa, ma sidii Dulaal Ibbi iyo Shariif Sakiin ayuu xaga danbe marsan doonaa oo ku tilmaami doonaa muwaadiniin aamin ah oo howlkar ah mise Labada Nuur (Nuur Cadde iyo M.A. Nuur Ameerika) talaabo geesinimo ayuu ka qaadi doonaa.  Sidoo kale Baarlamaanku ma qaadi doonaan talaabo la mid ah tii ay ku diideen iibsiga badeed, mase horkeeni doonaan baarlamaanka hortiisa Labadaas masuul iyo intii kale oo arinta ku lug lahayd, sidoo kale ma la xisaabtami doonaan Madaxweyne Shariif iyagoo dib u eegi doona wixii uu balan qaaday inuu sameeyo iyo wixii ay dowladiisa, wasiiradiisa iyo safiiradiisu sameeyeen taas oo meel ka dhac dhaawan u gaysatay qaranimadii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ah.  Shacabka Soomaaliyeed aqoon yahan iyo indheer garadba ma midnimadii iyo difaacii ay ka muujiyeen khadiyadii xuduuda badeed lagu iibsanayay ayay samayn doonaa mise sheekadu waxay noqon doontaa “Afkii baa juuqda gabay”.

Ma Dhulkan dhanee tagay baa nina dhagax u tuuraynee!!!! Uurku taalo waynaayee!!!!

Farah Aw-Osman This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats