Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Puntland Dowlad Badeed aan Dugsiyo Badeed lahayn PDF Print E-mail
Sunday, 06 December 2009

Image    Dowladaha adduunka oo dhammi waxay leeyihiin straatiijiyad iyo qorshe ku salaysan ka Faa’idaysiga khayraadyadooda dabiiciga ah dhinacyada badaha, beeraha macaadintaba iyo xoolaha.

Mid waliba waxay culayska saarta ka   faa’idaysiga waxa ay hodonka ku tahay oo uga faa’idaysan karto la ganacsiga dalalka kale

 Dowladdii hodon ku ah khayraad badeed waxay ku dadaasha inay culayska saarto maalgelinta dhinacaas, oo isugu jira, diyaarinta dadkii shaqada qaban lahaa, samayn wershadihii ka faa’’idaysan lahaa oo doonyo samayn ku jirto, maalgelinta  iyo diyaarinta waxbarashada dugsiyada lagu barto cilmiga badda ilaa heer Jaamacadeed, si ay uga qalin jebiyaan dad diyaarsan oo aqoon u leh cilmiga iyo xirfadaha badaha looga faa’iidaysto  (looga kalluumaysto), loo ilaasho, loo kobciyo taranka noocyada noolayaasha ku jira badahooda oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaas.

Marka Dowladda Puntland oo lagu tilmaamo Dowlad badeed oo leh xeebaha ugu dheer Africa, ma dareensan tahay shacab iyo mamulba sidii ay u faa’idaysan lahaayeen khayraadka ka buuxa badda Cas iyo badda Hindia oo hadda adduunku ku tartamayo in uu si sharci darra ah u boobo.

Aqoonta ayaa hormuud u ah waxyaabaha horumarka keena, waxaana caddaatay in Somalida dhaqankii reer guraanimadu u awood sheegtay oo ka adkaatay, (Dominate gareeya) waxaana taa cadaynaya, ma dareensana ahamiyada dhaqaale ee baddu u leedahay dalka iyo dadka, oo ay weheliso dareen la’aan wadaninimo iyo  Hal abuur oo ku wajahan in la Hormariyo degaanada xeebaha ah oo wax kasta ka hor laga furo dugsiyo badeed sida Bosaso, Caluula iyo meelaha kale oo laga heli karo fursadaha arday wax ku barata oo ay si wadajir ah u hirgeliyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo               Wasaaradda  Dekedaha.

Magaalada Bosaso waxaa diyaar ku ah in ka badan 17 macallin, oo aqoon u leh cilmiga badaha, waxna ka dhigi kara dugsiyada badaha, waxaa kale oo diyaar ah goobtii wax lagu dhigi lahaa, waxaana maqan oo keliya oggolaanshihi iyo manhajkii waxbarashada oo si sahlan loo heli karo haddii la helo cid danaynaysa, oo lagala soo xiriiri karo wargeyska  Kaaha Bari.

Waxaase meesha ka maqan masuuliyad muwaadiniin wadaniyinn ah oo ka fekeraya danta dalka iyo dadka.

Waxaana danta guud u hirgeli wayday, masuul kasta wuxuu ka fekerayaa sidii ay danihiisu u hirgeli lahayd mudada uu xilka hayo, taasna wadan laguma hoggaamin karo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxa) waxaa laga sugayaa inuu tallaabo deg deg ah ka qaado, oo ka furo magaalada Bosaso Sannadka 2010 bilowgiisa Dugsi badeed lagu barto cilmiga badda oo dhallinta lagu barbaariyo.

Kama jirto adduunka dowlad bad leh, oo aanu ka furnayn dugsiyo iyo Jaamacado lagu barto cilmiga badda

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats