|
Shiishad- oo la mida 100 sigaar ah qof cabay maalin walba |
|
|
|
|
Thursday, 24 December 2009 |
Madaxa qaybta ka hortaga dhaawacyada Alchaholka iyo Tobakada ee dalka Sweden, Thomas Hvidfelt, ayaa sheegey in baaris lagu ogaadey in Shiishad-cabista ay ka sii xun tahay sigaar cabista. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmey baaris lagu samaynayay dhalinta Swedishka iyo sigaar cabista. Dhalinyaradan oo 10kiiba 6 ay tijaabisey cabista shiishada, ayuu ku sheegey inay aad ula yaabeen baahsanaanta shiishad-cabista. Waxaa uu sheegey in shiishada oo cabisteeda markiiba qaadata 20 daqiiqo ilaa iyo 1 saac 20 daqiiqo, ay u dhiganto adoo cabay 100 sigaara.
Shiishada ayay dad badani u haystaan inay ka waxyeelo yar tahay sigaarka, kuwaasoo u haysta in biyaha uu qiiqa soo dhex marayo nadiifinayo nikotiinta. Tan ayaa uu Thomas ku sheegey inaanay waxba ka run ahayn, oo tobaakada lagu isticmaalo shiishada ay ku jirto nicotine la mida tan sigaarka. Waxaana uu sheegey in biyaha aaney waxba ka difaaceyn qofka. Thomas ayaa sheegey inay aad ula yaabeen in caruuurta Swedhishka ee uu soo gaarey dhaqankan shiishad-cabista ah oo ah mid ku baahsan Bariga Dhexe iyo Afrika. Waxaanay aad ula sii yaabeen in caruur badan durtaba tijaabisey cabista shiishada. Khatarta ugu weyn ee ay kaga halisan tahay Shiishada ayuu ku sheegey in qofku waqti badan u fadhiyo cabista shiishada, taaasoo uu ku tilmaamey inay la mid tahay qof markiiba cabaya 100 sigaara. Waxaa uu sheegey in dadka qaarkii ay maalin walba saacad ama in ka badan cabaan Shiishada, taasoo u dhiganta qof isbuucii 700 sigaara cabay. Thomas ayaa waxa kaloo uu sheegey in Shiishadu keento qabatin (Addict) ka xoog badan tan sigaarka. Waxaa uu sheegey in qofka mudo yar bartaa Shiishada uu qabatimo, kuna dhib noqoto inuu joojiyo. Somalida ayaa noqotay bulsho uu aad ugu faafay Shiishad- cabista rag iyo dumarba Taasoo qaarkood keenta inay raacsadaan waqtiyada qaadka ay cunayaan. |