|
shacab is- Jecel oo colaad la dhex dhigayo |
|
|
|
|
Wednesday, 06 January 2010 |
Shacabka Somaliyeed oo leh astaamaha midnimada (Af, Diin, Dhaqan, Midab, Dal) waxaa sugaysa, haddii aan alle faraj kale furin, shirkii Berliin oo kale 1884 oo lagu qaybsaday, markii lagu qabtay Yurub. hadda waxaa lagu diyaarinaya Africa, waqtiga la qabanayana, dalalka daneynaya weli lama xadidin, mar haddii aanay dhameystirmin ajendihii la hor geyn lahaa .
waxaa la is weydiinaya, oo jawaab loo waayey, Somalidu maxay isu laynayaan? maxaa loo laynayaa ?? aqoonta iyo maskaxda loogala dagaallamaya?? shacabka Gobollada maxaa colaada loogu dhex beeraya ? Siyaasadda Burburinta Somalia, maxaa carabta loogu soo maraya oo wadada looga dhigtay ?? nabadaynta gobollada Koonfureed in shir loogu qabto dalka gudihiisa, maxaa loo hortaagan yahay ?? oo talada wax looga siin, dadka talada wax ku leh masiirka umadda oo xal u helideeda looga qayb gelin waayey ?? .mushkilada Somalia maxaa loogula war wareegayaa Adis Ababa iyo Nairobi, oo ay ka go’an tahay in aaney Somalia Dowlad noqon oo nabad helin. waa arrin majaha ka raran, oo u baahan in la weydiiyo shacabka, waxa ay rabaan, sida ay wax u rabaan, iyo waqtiga ay rabaan.xaalada Somalia burburkeeda waxaa la qorsheeyey 1977.laga bilaabo 80naadkii howshu waa socotay, waxaana lagu guulaystay 1991 oo lagu fuliyey heshiis shan geesood ah, Adis Ababa (USC, SNM, SPM, CIA, Ethiopia, iyo Wakiil ka socday Safaaradda Yuhuuda) oo la hayo documentigii la kala saxiixday 1988.sanooyinka burburka, taktikada iyo tabaha tobankii sanoba mar ayaa la bedelayey welina ma cadda, waxa uu noqon doono qoshaha 2010 iyo qaabka loo fulin doono.Somalia ma waxay ku burbureysaa Gacanta Shariifka, mise waa ku badbaadaysaa, mise wax baa iska bedeli doona qorshihii wadaadada iyo qab-qablayaasha oo reer Galbeedku ku guulaysteen inay qarxiyaan (Muqdisho 2006) . colaadda Somalia ilaa goormay si socon doonta, mar haddii uu fashalay shirkii Jabuuti ee 2009, ee ahaa Geela waraf ma lagu deyay .
ajendihii 2004 ee shirkii Nairobi waa fashalay, kii Carta ee 2000 waa la fashaliyey, waxaana soo dhow qorshihii 1994 ee (David Shine) oo ahaa in loo kala gogooyo Somalia Gobollo, oo ah kan hadda socda.
waxaana Su’aal ah, yaa wata qorshahaas?? mase ku heshiinayaan Maraykanka iyo dalalka reer Yurub oo kala dano ah, waana kuwii fashaliyey barnaamijkii Mareykanka ee Unisom 1994 ?? La soco Cadadka xiga |