Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Waxyaalaha Horseedi Kara In Ilmahaagu Guul Ka Gaaro Waxbarashada PDF Print E-mail
Wednesday, 06 January 2010

Image   Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta.


Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaaro waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan. Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa,

   

macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xiriirkaasi noqdo mid joogto ah oo waqti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaaro guul wax ku ool ah.

Haddiise xiriirkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay. Ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay kaalmada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis. Ardaygu kolkii uu taas helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa,waalidkiis iyo wadankiisaba.

Haddaba sidee waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga soo hoyo?

 Wax badan ayaa waalidku qaban karaa

 Ugu horreyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta ilmahaaga waqti siisid,  Waxyaalahaan soo socda isku day inaad sameysid si ilmahaagu hor u kac u sameeyo, niyad fiicana u helo.

 Warayso ilamaaga: Kolkii ilmuhu guriga yimaado ee uu soo dhameeyo iskuulka, weydii kana warayso waxyaalihii uu maanta kala soo kulmay dugsiga. Ilmaha yar-yari aad bey u jecel yihiin iney waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo weliba waxyaalihii uu soo bartay.

Daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga dhegeysatey waxaa ay waalid ahaan ku siineysaa warbixin muhiim ah, ilmahana waxaa ay siineysaa kalsooni buuxda.

Ku barbaari ilmahaaga akhriska.  Waa inaad ilmaha tustaa ugana sheekeysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo. Haddii uu yahay gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaaneysa inuu ku dhiirado wax akhriska. Ku barbaarinta ilmaha ee xagga akhriska waa inaad bilowdaa waqti hore. Taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay.

Ilmuhu kolka ay aad u yar-yar yihiin ee aaney weli akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo. Taasi waxaa ay kobcineysaa maxkaxda ilmaha.

Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah:  Ilmuhu waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco.

Tusaale ahaan waa iney ilmaha u kala baxsan yihiin waqtiga wax akhriska, waqtiga ciyaarta, nasashada, waqtiga cuntada iyo waqtiga hurdada. Haddii uu jedwalku isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahwareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa. Si ilmuhu ula qabsado jedwalkaan waxaa uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada.

Tusaale ahaan kolka ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaalaha u sahli kara inuu howshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal iftiin fiican leh iwm. Meesha ilmuhu wax ku baranayaa waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay.

Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego  buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.

Ilmuhu waxaa ay jecelyihiin iney mar walba matalaan oo ku daydaan waalidka sidaas darteed waxaa waalidka laga doonayaa iney noqdaan tusaale fiican.
 Xiriir la sameyso iskuulka: Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku xiriir joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu dhigto.

Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sanad dugsiyeedku bilaamo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi waxaa ay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka.

Macalimiintuna waxaa ay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaalaha loo baahan yahay in ardayga laga kaalmeeyo. Waxaa haboon in waalidku ku biiro guddiyada kala duwan ee iskuulka. Haddii taasi aaney suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo soomaali ahi galo gudigaas si uu waalidiinta kale ee soomaaliyeed ula socodsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan.

Waxaa iyana muhiim ah in waalidku usbuuciiba halmar soo booqdo iskuulka ilamaha si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmaha wax loo baro. Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan habsami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray.

Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Suàalaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.

 Kalsoonida ilamaha oo la dhiso: Waa in waalidku aad ugu dadaalaa in la dhiso kalsoonida ilmaha. Waa in ilmaha laga ilaaliyaa wax walba oo keeni kara niyad jab.

Waxyaalaha ilmaha qalbadooda aan ka goìn, niyad jabkana ku rida waxaa ka mid ah ereyadaan soo socda:

Waxaad tahay damiin. Waxba ma taqaanid. Maskaxda ayaad la`dahay? Hebel ayaa kaa fiican. iwm

Waxaa kaloo ilamaha niyad jebiya in ilamah lagu ceebeeyo ilmo kale hortooda. Waxaa haboon in ilmaha kolkii waxloo sheegaayo aan xitaa walaalihiis hortooda loogu sheegin ee si gaar ah loogu sheego. Waxaa waalidka laga doonayaa inuu ilmaha ka dhiso meelaha uu ku liito isaga oo aan dhaawacaynin kalsoonida ilmaha. Haddii ay taasi kugu adkaato iskuday inaad la kaashato macalimiinta soomaaliyeed ee arinkan khibrada u leh. Bar ilmahaaga inuu qaado masuuliyada tacliintiisa, una muuji inaad adigu tahay mid kaalmeynaaya.

Ilmuhu waxaa ay jecelyihiin iney mar walba matalaan oo ku daydaan waalidka sidaas darteed waxaa waalidka laga doonayaa iney noqdaan tusaale fiican.

 Xusuusin: Qoraalkani waxaa uu ku saleysan yahay khibradayda macalinimo. Anigoo ku dhexjirey arimaha tacliinta muddo ka badan 20 sano. Anigoo macalin kasoo noqday wadankeenii soomaaliya iyo dalkan aan ku noolahay ee Sweden

 Qore: C/risaaq Maxamed Xuseen   Eskilstuna, Sweden

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats