|
ADEEGYADDA TELCOM PUNTLAND U FULISAY BULSHADA 2009 |
|
|
|
|
Wednesday, 06 January 2010 |
Shirkadda isgaarsiinta Telcom Puntland waxay ka qayb qaadatey adeegyo bulshadda Puntland asaasi u ah, waxaana ka mid ah: 1. ka qayb qaadashadda kor u qaadista tayada waxbarashadda oo Dugsiyo fara badan kala qayb qaadatey xafladdo qalin jebin halkaas oy shirkaddu bixisay abaalmarinihii ardaydii kaalimaha hore gashay iyo kuwii qalin jebiyay intaba.
ujeedaduna ay ahayd sidii loo dhiirri gelin lahaa waxbarashadda dalka.Dugsiyadaa waxaana ka mid ahaa :- A. al imaam Al naawaawi School B. Machadka gabdhaha ee khadiija, Bossaso College C. macaahid kale oo fara badan 2. Shirkaddu waxay kaloo qaban qaabisay kulan weyn oy ka soo qayb galeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka kala socda Dowladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka amniga, Gudoomiyaha Gobolka, iyo Duqa degmada Bosaso kulankaas oo looga hadlay muhiimadda aynabaddu leedahay iyo sidii dhamaan bulshadu uga wada qayb qaadan lahayd Dowlad, Shacab iyo ganacsato intabada
3. Shirkadda Telcom Puntland waxay kaloo Dayactir ku sameeysay garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaso kaas oo ay ka muuqatey dayacnaan aad u baahsan, 4. Shirkadda Telcom Puntland waxay kaloo qaban qaabisay koobkii ramadaanka oo ay u qabatey naadiyadda Degmooyinka gobolka bari kaas oo ay ka soo baxeen Xulka ciyaaraha gobolka bari kaas oo nasiib u yeeshay in uu qaado koobkii goboladda ee Puntland. 5. Shirkadda Telcom Puntland Waxay kaloo qabatey Tartan aqooneed Goboladda ee ay iska kaashateen Telcom Puntland iyo Horseed media ee loo qabtay Goboladda Somalia, oo xafladdii heer ka sare ahayd lagu soo gaba gabeeyay hotel Tropical ee magaalada Bosaso halkaaso ay guddoon siisay madaxda shirkaddu koobab iyo abaalmarino lacageed oo gaaraysa Malaayiin shilin oo wixii ku guulaystay iyo kuwii ku tartamay tartan aqooneedka bisha ramadaan. Mr.Mohamed Ali Farah Marketing Department Telcom Puntland Tell:+252-4-500031 Mobile:+252-66010031 www.Telcompuntland.com |