Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Waxqabadka Hay'ada Wadaniga ah Ee Tadamun PDF Print E-mail
Wednesday, 13 January 2010

Image  Tadamun Social Society (TASS)waa urur wadani ah.oo ka shaqeeya arrimaha bulshada oo ugu horreeyso Tacliinta, Caafimaadka, Gar gaarka deg dega ah, iyo caawinada dadka tabaalaysan.

Tadamun.waxaa la aasaa’say bilowgii 1992, waxaana loo aasaa’say in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira dalka, oo aasaasayaasheedu waxay dareemeen muhimada ay leedahay in la abuuro urur sama fal oo wax ka geysta caawinta bulshada Somaaliyeed ee ka dhashay dagaaladii sokeeye.horaadkii 1991, ka dib markey burburtey Dowladdii dhaxe ee Somaliya, dhinacyada ay wax ka qabato waa sidatan.

    

1. Waxbarashada

2. Caafimaadka

3. Gargaarka Deg Dega ah

4. Qodida Ceelasha Iyo Mashaariicda Biyaha

5. Taakuleynta Agoonta Iyo Caawinta Dadka Tabaaleeysan

    1. Waxbarashada

 Tadamun Social Society waxay xoogga saartey in la kobciyo heerka waxbarasho ee gobolada Puntland waxayna aasaastay ugu horeyntii schoolo fara badan oo uu ugu horeeyey schoolka caanka ah ee la yiraahdo (imaan al nawaawi) ka dib waxaa fidey schooladii ay maamuleysay hay,adu eeg shaxda hoos ku qoran:

  

No       Region      District         No. of schools       Total

 1           Bari           Bosaso              4                        4026

2           Mudug       Gaalkacyo         2                        1,534

3           Sanag        Baran                2                       1,558

4           Karkaar     Gardo                3                        878

5           Mudug       Goldogob           1                        248

6           Nugal        Garowe              3                        1293

7           Sool          Laascaanod        1                         263

Total                                               16                      9,800

   

2. Caafimaadka

Hay,ada wadanigaa ee Tadamun waxay sidoo kale xoogga saartey arrimaha caafimaadka iyadoo furtay xarun lagu daaweeyo bukaanka qabaa cudurka loo yaqaan (T.B) taasoo la furay1996 waxaa iska kaashaday mashruuca hay,ada tadamun iyo (mercy international. usa) isla xaruntaa waxaa yaala qalab casri ah oo lagu baaro dadka qaba cudurka HIVga, xarunta daaweynta TBda waxay maalin kasta siisaa daawo, dad aad u fara badan oo gaara 300 oo qof, isla mar ahaantaasna ay ku kaantaroosha daawada iyo habka ay u qaataan cunida daawada.

   3. gar gaarka deg dega ah,

 Hay,ada Tadamun waxay kaloo wax ka qabataa dhibaatooyinka dhaca ee lama filaanka ah, sidii dhacdadii (Tusunaami)  oo kale, hay"ada Tadamun waxay ka geysatey wax tar weyn oo waxay qeybisey 50 laash oo la siiyey dadkey dhibaatooyinka ka soo gaareen (Tusunaamiga) oo u badnaa dadka reer Puntland oo degan xeebta badweynta India.

  4. qodida Ceelasha iyo mashaariicda biyaha

  Hay,adu waxay gacan weyn ka geysatey qodida ceelasha waxay ceel ka qoday magaalada Bacaad weyn ee Gobolka Mudug, waxay kaloo qodey 4 ceel ay ka hirgelisey gobolada iyo degmooyinka Puntland.waxay kaloo Tadamun hirgelisey in ay u qodey Nugaal iyo Gobolka Karkaar 2 ceel oo biya ah, Tadamun waxay kaloo fulisey qodid iyo habeen ku sameeysey 85 ceel oo biyo gobolada Puntland oo dhan. waxaa kaloo qorshaha ugu jira in ay qodo intaa wax ka badan. 

  5_Taakuleynta agoonta iyo caawinta dadka dhibaateeysan

Ka dib  markey burburteyDowladdii dhaxe ee Somalia wuxuu sameeyay qoysas fara badan oo dagaalka ku dhintey aabayaal aad u tira badan, taariikhdu markey ahayd 1996 ayaa Tadamun waxay bilowdey in ay caawiso agoontaas,oo ay siiso biil iyo waxbarasho isla markaana ay u sameyso arad tir.


   Barnaamijyada Qaybta Mashaariicda ee Hay’ada Tadamun waa kuwo tira badan sida idiinku soo gudbinaynaa qaybtan hoos ku xusan:

 Community Driven Development (CDD) Horumarinta ay Bulshadu wado  Barnaamijka la yiraahdo Community Driven Development (CDD) waa barnaamij la tababaro laguna dhiso wacyiga  bulshada si ay bulshadu u yeelato qorshe hawleed ay iyagu  leeyahiin kalana hormarsadaan baahiyahooda sida ay u kala daran yihiin, si ay bulshada lafteedu wax uga qabato lagana kaaftoomo in bulshadu had iyo goor ku tiirsanaato hay’ado  ee iyagu qorshaha iyo waxqabadkaba la yimaadaan ciddii kale ee wax ku kordhinaysana ay soo dhoweeyaan haddii ay hay’ad tahay iyo haddii kaleba, mashruucaan hadda waxa ku lug leh  hay’ado UNka ka tirsan waxaana laga dhigay Joint Program waxaana fulinaysa hay’ada wadaniga ah ee TADAMUN xulida tuulooyinka iyo xaafadaha hawshan laga qabanayo waxaa is ka leh wasaarada arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland gaar ahaan maayarada, degmooyinka hawshan wacyigelinta ah laga sameeyey ilaa hada waa 5 degmo oo kala ah:

1.Degmada Bosaso                            2. Degmada Caluula

3.Degmada Danoroy                          4. Degmada Garowe

5.Degmada Galkacayo

 Dhammaan xaafadaha iyo tuulooyinka ka tirsan shanta degmo waxay samaysteen qorshe hawleed iyo guddiyo la yiraahdo guddiyada horumarinta iyaga oo si toos ula shaqeya konsalka  degmooyinkooda si loo horumariyo adeegyada bulsho.

  Child Protection .   Dhowrista Xaquuqda Caruurta

 Barnaamij kale baa jira oo la yiraahdo Child Protection Dhowrista Xuquuqda Caruurta hawshaas waxay u badan tahay wacyi gelin la siinayo dadka gaar ahaan IDP (kaamamka dadka soo barakacay) iyo bulshada kaleba wacyigelintaas waxaa barbar socota shaqaalaha howshaa ka shaqeeya marka ay la kulmaan ilmo lagu xadgudbay xaquudiisa ama buka  oo aan waalidkiis waxba u qaban karin waxay u sameeyan advocacy (u qareemid) waxay arrintiisa u gudbiyaan isbitaalada iyagoo mas’uuliyiinta u weydiinaya in ilmahaa la caawiyo hay’ada Tadamun waxay siisaa taageero xagga daawada ah  si loo daryeelo ilmaha dhiban waana mas’uuliyad la rabo in dhammaan muslimiintu dareemaan oo ay caawiyaan dadka nugul, hawshaas waxaa nagala shaqeeya xagga kormeerka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyadoo laga wado dhammaan gobolada Puntland.

                                                                                       

HIV/AIDS

 Waxaan sidoo kale wacyi gelin iyo tabar ku saabsan HIV/AIDska ka hortagiisa, sida loola dhaqmo dadka la nool xanuunka iyo in aan la takoorin laguna qanciyo in xanuunkan alle ka qaadi karo.

Tadamun waxay wacyigelin siisay arday wax ka barata ilaa 22 iskool oo ku kala yaala gobolada Puntland si ay ardaydu isu ilaaliyaan ugana fogaadaan waxyaalaha keeni kara HIV/AIDS waxay hay’adu sidoo kale dhistay 22 urur iskool oo ardayda dhexdooda laga sameeyey  (School Clubs) si ay ardaydu macluumaad HIV/AIDS isu siiyaan maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan ee khatarta ugu jira xanuunkan si ay uga fogaadaan khatartiisa. hawshan waxaa kormeerkeeda nala sameeya Puntland Aids Commission PAC oo wakiil ka ah dawlada Puntland

Tacadiyada  jinsiga ah gaar ahaan dumarka loo geysto (Gender Based Violence).

Waxaa kale oo jira barnaamijyo kale sida Gender Based Violence oo lagu caawiyo laguna wacyi geliyo gaar ahaan haweenka ay dhibaatada soo gaarto una badan kuwa soo barakacay ee IDPka ah sida kufsiga, dilka iyo wixii la midka ah. Waxaa hawshaan ka shaqeeya dumar loo tababaray in ay caawiyaan dumarka kale ee dhiban Waxaa mashruucan kormerkiisa nagala shaqeeya wasaarada Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland.

Masharuuca la xiriira tala siinta xagga cilminafisga (Psychosocial counseling)

 waxaa jira oo kale Psychosocial project ama masharuuc ah talasiinta iyo waciyigelinta bulshada oo Tadamun ka wado magaalada Gaalkacyo gaar ahaan IDPska  wacyi gelin talo siin dadka dhibaatooyinka dagaalada sokeeya ay saameyn ku yeelatay maskaxdooda sida buufiska waxa ay bulshadu u taqaano ama qof lagu xadgubay oo ka murageysan waxii ku dhacay oo lala taliyo si ayna dhibaatadaas maskaxdiisa wax u yeelin, waxaa isla mashruucaas lagu caawiyaa iskuulada oo loo sameeyo play grounds meel ilmuhu ku ciyaaraan.tababaro bulshada iyo macalimiinta la siiyo oo la xiriira sida qofka ama ardayga dareemaya walaaca iyo isla hadalka loo ogaado xaaladiisa loona siiyo talooyin dejin kara qofkaas.

 Mashruuca Horumarinta Dhallinyarada (Youth Development Program)

 Mashruuca horumarinta ururada dhilinyarada Youth Development Program masharuucaan waxaa loogu tala galay in lagu kobciyo waxqabadka iyo khibrada ururada dhalinyarada, waxay u soo qortaan dalab mashruuc (Proposals). hay’ada Tadamun qiimayn ka bacdi waxaa laga xulaa ururada waxqaban kara waxaana la siiyaa (Small Grants) lacag yar oo ay bulshada wax ugu qabtaan haddii ay nadaafada, wacyi gelin xagga nabada oo lagu baraarujinayo dhalliyarada iyo wixii la mid ah. Ururada dhallinyarada waxaa laga soo xulaa dhammaan gobolada Puntland.


 

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats