Home
Qodobada Wargeyska
News
Ra'yiga Dadweynaha
Job Vacancies
Sports
Suugaan
Casharo Diini ah
Tahniyado
Search
Contact Us
Tacsi
 
Tahniyado
Shacabka Somalia waxay taageerayaan cid kasta oo leh aragtidii SYL PDF Print E-mail
Wednesday, 13 January 2010

  Image  Xaaladda Somalia waxay ka degeysaa meel adag, waxayna soo martay marxalado adag muddadii 20ka sano ahayd ee burburka.

ma burburin Dowladnimadii Somalia oo keliya ee waxa burburay shakhsiyadii qofka Somaliga ah iyo sharaftiisii, midnimadiisii, dhaqaalihiisi, aqoontiisi iyo jiritaankiisiba.

dowladnimada iyo midnimada Somalia waxaa dhaliyey 13 halgame oo isku hadaf ahaa, waxay ka adkaadeen Dowlado gumaysi ah oo awood badan.

waxaa si sahlan u burburiyey oo kala qeybiyey kooxo kala hadaf ah oo kala qadiyad ah.

Somalia waxaa loogu qabtay dibedaha in ka badan 20 shir oo lagu kala fogeynayey markasta oo la kulansiiyo, waxaana la isugu yeera dad aan isku qadiyad ahayn oo dalal shisheeye danahooda ku fushanayaan, oo in yari daacad ka tahay.

SYL ma qaban qaabin jirin shirar guud, ee waxay abaabuli jirtay kooxo xul ah oo la tuujiyay dadnimadooda, daacadnimadooda iyo wadaniyadooda, kuwaas oo shacabku iska dhex dooran jiray oo rabitaankooda ka tarjumi jiray, taasna waxaa bedelay 550 xubnood oo Jabuuti lagu magacaabay oo aan la aqoon cid ay wakiil ka yihiin, iyagaana saldhig u ah dhibaatada Somalia caga dhigan weyday 2009.

SYL waxay tirtirtay qabiilkii, qarnigii hore haddana xukunka waxaa lagu doona awood qabiil iyo lacag (qaran iyo qabiil meel wada galaan?) waa dab iyo dhagax kala dhowray.

 
< Prev   Next >
Free counter and web stats