|
masiirka Somalida waxaa laga jaangooya Newyork, London iyo Roma |
|
|
|
|
Wednesday, 13 January 2010 |
Somalia talo faro uguma jirto, waxaa lala dagaalamaya oo la dilaya astaamihii midnimada oo diintu ugu horreysay, waxaa la gowracaya qofkii gala meeshii lagu badbaadi jirey.
waxaa lala dagaalamayaa oo lacag faro badan lagu bixinayaa in dadka astaamaha midnimo leh oo diinta iyo wadaniyadu ugu horreyaan la khaarijiyo, haddii lagu guulaystana taas, Somali waxba isuma noqon doonto mar haddii la waayo xarigii isku xirayey.
qorshaha gaalaynta, kala googoynta iyo qaxooti u cararka loo diyaarshay oo salka ku haysa burburinta Somalia oo ah qorshe laga soo shaqeeyay waxaa fulinaya dad Somali ah, waxaana maalgelinaya oo ka dambeeya sirdoonka maraykanka (CIA) iyo musaadka Yuhuuda (mukhaabaraadka yuhuuda. waxaa lagu adeegsanayaa dhinacyo badan oo aan hadda maskaxdaadu weelayn karin, iyadoo la soo marayo dalal carbeed oo diintu idin walaalaysay.waxaa la cirib tirayaa cid kasta oo aqoon leh, Diin, wadaninimo, qadiyad IWM;waxaa dalka loo soo diyaarinayaa, kuwo kula magac ah oo aad taqaan oo la dhaqan gediyey, oo aad magaca iyo midabka keliya wadaagtaan.waxaa dalka loo diyaarinayaa dad caqligoodu ku maqan yahay Nairobi iyo Adis-ababa iyo meela kale oo ka fog, laakiin muuqaalkoodu joogo dalka.
|