|
Hey ’ada Wadaniga Ah Ee Tadamun oo Shirkii Sanadlaha ahaa U Soo Xirmay |
|
|
|
|
Friday, 19 February 2010 |
Hay’ada wadaniga ah ee Tadamun ayaa 15 January 2010 shirkii sannadlaha ahaa ugu soo xirmey magaalada Bosaso, shirkaa oo ay ka qeyb galeen Golaha fulinta hay’ada Tadamun shirkaas oo ay kor meerayaan Guddiga sare ee maamulka hay’ada Tadaamun.
shirkaa oo ah mid ay Tadaamun qabsato sannad kasta bishaan oo kale hadafkiisuna yahay soo bandhigida wixii u hirgalay mudadaas sanadka ah hay’ada isla markaana lagu soo bandhigo qorshaha sanadka soo socda, qodobadii shirkaa looga Hadley waxay ahaayeen sidatan:1. soo bandhigida wixii u hirgalay hay’ada sanadkii 2009 iyo wixii caqabado ah oo hay’ada soo food saaray.2. in la is dhaafsado xog iyo waaya aragnimo3. in la soo bandhigo qorshe sanadeedka 20104. in ay is dareensiiyaan shaqaaluhu mas’uuliyad iyo xil kasnimo saaran tahay Xafiisyadii ka qeyb galay shirkaas waxay ahaayeen· Xafiiska waxbarashada· Xafiiska mashaariicda · Xafiiska Maamulka iyo maaliyada· Xafiiska caafimaadka · Xafiiska warbaahinta iyo saxaafada.hasa yeeshee sanadkan ayaa ahaa mid ay Tadaamun guulo faro badan gaartey ka dib markii ay fulisey waxqabadyo fara badan dhinaca arrimaha aadaminimada iyo weliba arrimaha bulshahada, waxay kaloo u soo bandhigtey shaqaalaheeda xeer hoosaatkii Hagi lahaa iyo sharuucda shaqada si loo dardar geliyo waxqabadka isla markaana aysan wax isku dhac ihi u imaan.ugu dambeyntii shaqaalaha hay’ada iyo weliba maamulkii waxay qado sharaf ku yeesheen hotelka (muno) ee magaalada Bosaso, hay’ada Tadamun waa hey’ad wadani ah saldhigeeydu yahay Bosaso oo ka shaqeeysa gobolada waqooyi bari ee Somalia (puntland) waxay shaqada bilowdey horaadkii 1992 waxaana aasasey rag u dhashay goboladan, hay’adu waxay ka shaqeysaa waxbarashada arrimaha bulshada, Daryeelka maatada iyo arrimo kale oo bini aadantinimo oo fara badan. |