|
Yaa ka dambeeyay Shirqoolka Dekedda Bosaso looga wareejiyay raashinka WFP u wadey Puntland ?? |
|
|
|
|
Friday, 19 February 2010 |
waxaa ah arrin la yaab leh in laga soo dejiyo Dekedda Berbera raashin ku soday Puntland, oo WFP eedeeda leedahay, kaddib markii ay raashinkaas kaga soo rartay Dekedda Berbera 120 Baabuur oo dhulka soo maray laguna xayiray Laascaanood.
wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay inaanu waxba kala socon arrinkaas, marka maxaa lagu tilmaami karaa ma waxaa loola jeeday Curyaamin ama Cuna qabatayn dhaqaale ?? markab ku dejiyay raashinka Dekedda Berbera yaa ku amray ?? maxaase loola jeeday, iyadoo la ogyahay in raashinkaasu muddo 19 sano ah oo Puntland oo nabad ahayd, waxaa hadda ku soo kordhay oo dhaliyey arrinkaas ??arrintu ma waxay daba socotaa isku dayo fara badan oo lagu curyaaminayey Dekedda Bosaso, oo xoolo ka dhoofi jirey iyo badeecooyin ka soo degi jirey laga wareejiyay .waxaan ognahay in xaaladu hirig ku tahay WFP markii ay dareewaladii baabuurta ku xayiran Laascaanood 3 Maalmood codsadeen kharash aanay ku tala galeen WFP, oo ah magdhaw xayiraada ku saabsan arrintaas . |