|
|
|
Afrika Maxay Ka Dhaxashay Gobanimadii 50 Sano Ka Hor? |
|
|
|
|
Friday, 19 February 2010 |
Laga soo bilaabo sanadihii 1960-maadkii, mudo haatan laga joogo in ka badan 50-sano waxaa inta badan wadamada qaarada Afrika u dabaal degeen xoriyadooda iyagoo halkaasi ku soo afmeeray halgan dheer oo sanado badan ay kula jireen gumeystayaashii reer Europe.
Wadamada qaarada ee qaatay sanadahaasi xoriyadooda, into badan waxay ahaayeen kuwo isku wado ama qorshe ka raacay habka ka hortaga gumeystaha, iyadoo ay hogaanka u hayeen hogaamiyaashii ka hortaga gumeysiga ee wadaniyiinta u ahaa wadan kasta isla markaana laga dhex tilmaami karay bulshooyinka qaarada oo idil, waxaana taasi ay xaqiiq ka dhigtay in ugu dambeyntii badi wadamada Afrika ay noqdaan kuwo xor ah oo misana ku tallaabsaday maamulo iyagu ay keensadeen oo aayahooda ka taliya danahoodana metela.Laga soo bilaabo galbeedka iyo bariga qaarada ayaa sanadihii 1960-maadkii laga dareemay dabeysha xoriyada, oo hadda kor u sii dhaafeysa 50-meeyo sano.Haddaba haddii aynu dhinaca kale ka eegno faa’iidooyinka iyo guuldarooyinka ay dadyowga qaarada kala kulmeen xoriyada, waxaa soo muuqanaya dareen kale oo ka soo yeeraya bulshooyinka ku dhaqan qaarada.Mid-waxaa xaqiiqo ah inAfrika ay gaartay hankeedii ahaa inay iska dulqaado heeryada gumeystaha iyo nacabkiisa hase yeeshee waxaa su’aali ka taagan tahay kuwii hogaanka u qabtay maamuladii laga dhisay wadamada qaarada ma ahaayeen kuwii saxda ahaa ee loo baahnaa? Mise waxaa ay arrintu ku ekeyd in hab abaal marin ah loogu deeqo oo xukunka loogu dhiibo u heelanayaashii xoriyada? Wallow aan dhihi karma dhamaan dadkii xoriyada qaarada wax ka keenay aaney ahayn wada eedeysanayaal.Wadamada galbeedka qaarada ku yaalla oo lagu tilmaamo inay ka mid ahaayeen 14 wadan oo gumeystihii France ku hoos jiray dhamaan maanta waa xor, laakiin dadkoodu waxay qaarkood qabaan inaysan waxba ka duwaneyn nolosha ay ku jiraan tii ay heysteen xitaa waqtigii gumeystaha.Waxaa sidoo kale arrimahaan la mid ah wadamada Ghana, Congo, Senegal, Nigeria, Rwanda, Burundi, Tanzania, Ethiopia iyo Zimbabwe oo dhamaantood nolosha liidata, gaajada iyo shaqo la’aantu ay daashatey.Sababtu ma aha in Afrika ay dhul ahaan tahay faqri oo waxaan ognahay in dhulalka dunida ugu hodansan ay nasiib u heleen dadyowga Afrika hase ahaatee aan ka faa’ideysan.Marka laga tago xaalada nolosha ee liidata waxaa wadamada qaarkood, sida Zimbabwe ay dadku weli dhibanayaal u yihiin nidaamka siyaasadeed ee talada dalka haya. Doorasho xor ah weligeed kama dhicin Zimbabwe, waxaana xabsiyada ku jira kumanaan arimo siyaasadeed darteed.Congo iyo Rwanda, waxaa la laayey malayiin iyadoo malaayiin kalena ay qoxooti ku yihiin wadamo kale ama qaaradaba isaga bexeen cabsi soo wajahday darteed.Gobolka Darfur ee dalka Sudan, oo waayadan noqday meel ay si weyn saxaafada caalamku indhaha ugu heyso ayaa lagu tilmaama inuu yahay meesha ay ka jirto colaada ugu waqti dheer qaarada oo dhan.Marka aynu dib ugu laabano wadamada Bariga Afrika waxaa dadweynuhu ku nool yihiin xaalado aan waxba ka duwaneyn kuwa wadamada kale, waxaana la soconaa dhibaatada ka taagan Eritrea oo sida warbixinada lagu sheego kala bar dadkeedii dibadaha u carareen. Kenya waxay sanadkii 2007 ku sigatey dagaalo sokeeye ka dib markii xisbiyada dalka ku murmeen doorashadii dalkaasi ka dhacday. Waxaa taasi ka daran in dad ka badan 600 oo ruux lagu dilay rabshadihii u dhexeeyey labada xisbi ee doorashada ku murmay, halka boqolaal qoys ay ka barakeceen guryahooda. Adan Cadde & C/rashiid C. Sharma'rke
Soomaaliya waxaa mudo 20 sano ah ugu dhamaatay dagaal, dil, dhaawac, barakac iyo gaajo ay dadkii u dhamaanayaan. Waxaasr naxdin leh in weli aanu xal muuqan. Meel kasta oo ka mid qaarada maanta kama jiro daryeel caafimaad oo waafaqsan midka qaaradaha kale, waxbbarasho u dhiganta adduunka, koronto iyo biyo jaban (meelaha qaar kama jiraan). Waxaa taas ka daran in wadamo badan ayba adag tahay in qofka muujiyo aragtidiisa sida Zimbabwe, Eritrea, Ethiopia iwm. Marka hadaba si dhab loo qeexo faa’iido darada ka dhalatay xoriyadii qaarada, waxaa cadaan ah in dadweynaha Afrika aysan helin wixii ay ka filayeen xoriyada iyo gobanimadii ay gaareen 1960-maadkii. Waxaana dadka badankiisu aaminsan yahay in xoriyada wadamada qaarada Afrika gaareen ay ahayd mid ay ku daneysteen kooxo tiro yar oo maamul doon ah- haba ku jiraan qaar ka mid ah kuwii xoriyada u soo dagaalamay. Sababaha hortaagan horumarka dadyowga qaarada Sida la isku raacsan yahay waxaa qaarada hortaagan caqabado waaweyn oo dabcan marka la doonayo in loo magac bixiyo laga yaabo in la isku khilaafo. Laakiin waxaa muhim ah in laga mideysan yahay dhowr qodob;
Siyaasiyiin xukun doon ahRobert MugabeWadamada Afrika weligood, waa ay yarayd inay nasiib u helaan madax daacad ah oo la timaada siyaasad maamul oo nadiif ah, bulshadana u daneysa, waxaana taa bedelkeeda talada wadamada soo taagnaa siyaasiyiin xukun u jeed ah oo haddana daneystayaal ah. Siyaasiyiinta noocaasi ah waxay ku guuleysteen inay umadahooda maskaxda kaga gumeystaan balanqaadyo been ah oo marka dambena looga baxo, haddiiba aysan isu bedelin xasuuq shacabka loo geysto. Waxaa nasiib darro ah in illaa maanta oo 50-sano qaaradu xoriyad heysato in bulshooyinka wadamada qaarada ku nool aysan u bisleyn inay ka hortagaan kuwa siyaasiyiinta ah ee manaxayaasha ah.
Aqoon dari Iyadoo laga duulayo dabeecadaha gumeysiga waxaa aalaaba bulshooyinka laga dhowri jiray inay wax bartaan oo si dhab ah u fekeraan ama soo baxaan jiil wax bartay oo mustaqbalka haweysan kara talada dalka. Sidaasi darteed ayaa kuwii xukunka hayey 10-sano ee hore ee xoriyada guud ahaan wadamada qaarada, inkastoo ay kala gedisnaayeen hadana waxay isaga dhowaayeen inaanu waxbarasho fiican ka hirgalin wadamadii ay maamulayeen. Ma ahayn in la waayey dugsiyo iyo jaamacado laakiin, waxaa xaqiiq ah in waxbarashadii jirtay ay ahayd mid hoos tagta maamuladii danaystayaasha ahaa oo iyaguna watay dantooda qarsoon.
Tiro aad u yar oo ah jiilalkii waxbarashada dibadaha u aaday ee wax soo bartay waxay doorbideen inay degaan kana shaqeystaan meelihii ay wax ku barteen sida Europe iyo America. Waxaana halkaasi ku lumay maskax badan oo u bislaan lahayd inay soo kordhiso siyaasad caafimaad qabta oo wadamadu gaaraan.
Dagaalo sokeeye Aqoon daridii jirtay iyo loolan dhinaca xukunka ah oo ka dhex abuurmay kooxihii xukunka joogay dhexdooda ama meelaha qaar- kuwo kale oo isku dayey inay talada la wareegaan ayaa noqday dhaawac kale oo ku habsaday horumarkii ay qaaradu hogsan lahayd xoriyada ka dib. Sababta ugu weyn ee dhalisay in awooda lagu loolamo waxay ahayd, iyadoo caburkii hayey bulshooyinka qaarada ama wadamada qaarkood intiisa badan, isugu ururay rag ku jiray ciidamada ka dibna damcay in talada ay iyaguna wax ka helaan amaba gebi ahaan la wareegaan.
Kooxahan ciidamada ee ka soo hoos dusay xukun doonayaasha, waxaa la dhihi karaa waxay uun ahaayeen labo nooc; kuwo ka yimid waxna soo bareen gumeystayaashii qaarada laga saaray iyo kuwo markoodii hore ahaa wadaniyiin laakiin intay wax barteen ka dibna dhadhamiyey siyaasada.
Waxaa xaqiiq ah in si kastaba kooxahan ciidamada iyo isku dhicii ka dhashay dhinaca maamulka uu sababay dagalada sokeeyey ee qaarada saameeyey. Dabcan, meesha lagama saari karo in qeyb ahaan dagaalada ka jira qaarada ay ku jiraan kuwo salka ku haya qabiil, waxaana kuwaasi ka mid dhigeynaa aqoon daridii heysatey dadka.
Faro gelin dibadeed Marna la iskama indha tiri karo in faro galein dibada ah oo ay wadaan shisheeyuhu ay ku dhex jirto dhibaatooyinka caqabadaha ku ah Afrika, taasi oo runtii ay fulinayaan mararka qaar daneystayaal shisheeye u adeeg ah. Waxay arintani soo if baxday markii inta badan Afrika go’aan ku gaartay inay xorowdo, waxaa gumeystihii Europe ku dadaaleen inay abuuraan kuwo u midab eg dadyowga Afrika hase ahaatee laabta ka metela dano shisheeye taasi oo la oran karo waa ay ku guuleysteen. Waxaana maanta wadan kasta oo ka mid ah qaarada uu dareemay dhibaato uga imaaneysa wadamada galbeedka iyadoo la fulinayo siyaasada wadamadaasi. Waxaa intaa soo raaca faragelin ku saleysan nafac doon, gaar ahaan dhulka, beeraha, saliida iyo macdanta iyadoo wadamada galbeedka laftoodu ku loolamayaan kala jiidashada wadamada Afrika si mid walba uga fushado ujeedadiisa gaarka ah. Si arimahaasi u meel maraana waxay Afrika dhexdeeda ka buureen dagaalo sokeeye loona fududeeyo sidii ay u heli lahaayeen hub, rasaas iyo dhaqaale lagu bixiyo dagaalka.
Dadyowga Afrika maxaa la gudboon? Ka dib 50- sano oo xoriyad ah ka dib, dadka ku nool Afrika waa inay fahmaan in aayo ka talintooda ay tahay mid iyaga masuul ka yihiin oo aysan cid kale marti uga noqon sidaasi darteedna waa in wadan kasta dadkiisu ay soo xushaan ka dibna doortaan cid dantooda dhowri karta iyadoo loo sii marayo awoodaha sharci dejinta oo ah meesha ugu weyn ee ummada danteeda laga go’aamiyo. Waana in markaasi dowladaha lagula xisaabtamaa waxqabadka iyo horumarimta danta bulshada, sidaasi waxay sahli kartaa in ummada Afrika ay hesho wixii ay u soo dhibaatootay 50 sano ka hor. |
|
|