|
DFKMS oo Ku Eedaysay Hay'adaha Qaramada Midowbay in aanay soo gaarsiin deeqaha loogu soo dhiibo |
|
|
|
|
Friday, 19 February 2010 |
Nairobi 12 February 2010
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga C/raxmaan C/shakuur oo dhinaca DKMG u fadhiyey wada hadaladii, ay la yeesheen Nairobi 12/2/2009, madaxda Hay’adaha Qaramada Midowbay oo fadhigoodu yahay Nairobi ayaa ka hor cadeeyey in aysan haba yaraatee waxba ka qaban Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey in ay dhaqaalaha lagu helo Magaca Soomaaliya, lagu kharash gareeyo Hotelada magaalada Nairobi iyo wadamada dhaca gobalka.
C/raxmaan C/shakuur wuxuu sheegay in aysan DKMG ah masuul ka aheyn dhaqaalahaasi, la siiyo Hay’adaha Qaramada Midowbay, isagoo adduunku u sheegay in Hay’ado caawinayo aanay Koonfurta Soomaaliya, waxba soo gaarsiin, isagoo nasiib daro ku sheegay in ay maanta oo ay gargaar u baahan yihiin Malaayiin Somaliyeed, ay Hay’adaha Samafalku iska joogaan Hotelada magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Eeda DKMGS waxaa ka jawaabay Madaxda Qaramada Midowbay qaarkood, oo sheegay in ay gargaaro badan gaarsiiyeen Soomaaliya, isla markaasna ay hadda wadaan mashaariic badan oo horumarineed oo ay ka wadaan deegaanada nabadda ah ee Soomaaliya iyo kuwa qasan labadaba, ayna ku rajo wanaagsan yihiin in haddii dalku nabad noqdo ay dagi doonaan Muqdisho, oy dib u furi doonaan xarumo waa weyn oo ay ku lahaayeen deegaanada nabadda ah ee Soomaaliya. |