|
Ka Feejignow Falalka Burcadnimada |
|
|
|
|
Friday, 16 July 2010 |
 Burcadnimadu ma ahan wax sharciyan Diinta iyo dhaqankuba ogol yihiin,waxayna Weeraraan Maraakiibta iyo Doonyaha sida shixnado kala duwan oo maraya Badda Somalia iyo tan Caalamiga ah, waxay kaloo Afduubaan dadka aan waxba galabsan, Soomaliyana waxay u soo jiideen magac xumo aad u weyn.
Burcadu waxay Bulshada iyo dhalinyarada ku soo kordhiyeen dhaqan xumo sida:- Isticmaalka iyo si xun u isticmaal maandooriyaha. Aroosyada lagu bixinayo kharashka xad dhaafka. Furitaan deg deg ah iyo qoys burbur Faafin Cuduradda la iska qaado Sida HIV/AIDS Filimo dhaqan xumo leh (dhaqan doorsoomin) Amniga oo ay wax u dhimaan Dhalinyaradda oo ay ka leexiyaan wadooyinka saxa ah ahaa ee waxbarashada iyo shaqada Iska indho tirid iyo ku xad gudub dhaqan wanaagii bulshada somaliyeed iyo jabin waxyaalo lama taabtaan ah. Hiyi kac iyo Walaahow saameeyay da’yarta intooda badan kana lumiyay dariiqii caadiga ahaa ee nolosha Burcadnimadu waxay sababta Dishamasho badan Marka la xiro ama u dhinto walaac badan ayaa waalidka ku yimaada Talo soo jeedin:- Ku biirida ama ka mid noqoshada burcad-badeedu waa khatar . Ka bixidda Burcadbadeedu waa badbaado naftaada iyo dadkaaga. Dhaqanka iyo falalka Burcad-badeedu wa dabargo a’ umada Soomaaliyeed. Ka digtoonoo burcad badeednimo oo naftaada naar ha u horseedin Noqo midka ugu horeeye ee katalo baxa Burcadnimada. Burcad baddeednimo lagama hodmo ee waa lagu halaagsamaa. Ha dhayalsan dhibta makhluuqa. Hadaad ka habowsan tahay dariiqa hagaagsan, waydii culumada diinta. Bad iyo barriba Burcad kuma banana.Bulshadeenu waxay tiri MAYA Burcadbadeeda Wadankeena.
|